Sidee ayuu ku hirgali karaa qorshaha Axmed Madoobe iyo Kenya ee 16-ka kursi?

KISMAAYO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa ka wada hadlay sidii ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubooyinka ugu qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga halka ay ka dhacayso doorashada 16-ka kursi ee taal Garbahaareey.

Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa wada shirar uu la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo beesha caalamka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Dowladda Kenya iyo Axmed Madoobe heshiis ku yihiin in doorashada kuraasta 16-ka ah lagu qabto magaalada Ceelwaaq ee xuduuda labada dal, halkaasi oo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin.

Dhinacyo kala duwan oo Kenya ay hormuud u tahay, beesha caalamka iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in doorashada lagu qabto Ceelwaaq, kadib markii ay cadaatay inaan la tegi karin Garbahaarey.

Dhinaca kale, haddii doorashadaasi lagu qabto Ceelwaaq waxaa fursad weyn doona murashaxiinta ay wataan Villa Somalia, waxaana cad in murashaxiinta kasoo jeeda beesha Mareexaan ee mucaaradsan Villa Somalia ay kusoo bixi doonaan.

Lama oga sida uu ku hirgelikaro qorshahan Axmed Madoobe iyo Kenya, balse ma jirto cid ka hor istaagi karto in amniga doorashada ay sugaan maadaama ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.