Sidee ayuu u dhacay dilka hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri?

MUQDISHO-AAAMAHA-Howlgal qayb ka ah la dagaallanka argaixisada oo ay fuliyeen CIA-da Mareykanka ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay ururka Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

Dilkan oo ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kabul ayaa la fuliyay xilli ay Sabtida sii baxaysay Axaddana soo galaysay.

Al-Zawahiri oo muddo dheer lagu raad joogay ayaa horay u ahaan jiray ku xigeenka aasaasihii Al-Qaacida, Cusaama Bin Laadin, isagoo xilka kala wareegay markii la dilay 2-dii bishii May ee sanadkii 2011-kii.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Zawahiri uu taagnaa balakoonka ku yaalla guri amaan ah oo uu ku noolaa.

Si lama filaan ah ayay diyaarad nooca uusan duuliyaha saarnayn ah – oo loo yaqaanno drone – ugu tuurtay labo gantaal.

Wararka ayaa sheegaya gantaalka uu si toos ah ugu dhacay Zawahiri oo halkiisa taagan.

Goobta waxaa ku sugnaa xubno kale oo ka tirsan qoyska Ayman Al-Zawahiri, balse qof kale waxba kuma noqon weerarka, hoggaamiyaha Al-Qaacida kaligiis ayaana ku dhintay halkaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa xaqiijiyay in duqayn dhanka cirka ah oo ay Mareykanku fuliyeen lagu dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri.

Waxa uu sheegay in uu isagu fasaxay howlgalka oo Sabtidii ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan.

Biden ayaa sheegay in Ayman al-Zawahiri uu si qota dheer ugu lug lahaa weerarradii Mareykanka laga fuliyay 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii, kuwaasoo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof.

Madaxweynaha Mareyknaka ayaa intaas ku daray in dilka al-Zawahiri uu war fiican u yahay qoysaska dadkii lagu dilay weerarrada.

Biden oo sanadkii hore ciidamada Mareykanka kasoo saaray Afghanistan ayaa ku adkaystay in waddankaas uusan waligiis mar dambe goob ammaan ah u noqon doonin kooxaha argagixisada.