Sidee caalamka uga falceliyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii qaraxyada loo adeegsadey ee ka dhacay isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa lala xiriiriyey qaraxyaddan oo warar horudhac ah ku sheegayaan is-miidaamin ay fuliyeen naftood haligeyayaal saarnaa laba gaari oo nooca raaxadda ah.

Xukuumadda federaalka ah ayaa sheegtay in ay gurmad degdeg ah siineyso dhamaan dadka ay waxyeeladda soo gaartey oo badankooda ah shacab aan waxba galabsan oo wadada marayay.

Hadaba, waxaan halkaan hoose kusoo koobaynaa dalalka iyo ururadda illaa haatan ka hadlay weeraraddan oo khasaaraha ka dhashay ay isa soo tarayaan saacadba saacadda kasii dambeysa.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya:

Bahda Qaramada Midoobay waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarkii bahalnimada ahaa ee Al-shabaab ay [shalay] ka geysteen meel u dhow isgooyska KM-5 ee Muqdisho.

Waxay tacsi u direysaa bahdu qoysaska dhibanayaasha, waxeyna u rajaynaysaa caafimaad degdeg ah kuwa ku dhaawacmay weerarkaa, iyadoo si buuxda uga taageereysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ka hortagga argagixisada”.

Jamhuuriyadda Turkiga:

“Waxaan luuqadda ugu adag ku cambaareynaynaa falkan arxan-daradda ah. Waxaan naxariista eebbe u rajaynaynaa dhamaan dadkii ku nafwaayay. Waxaan tacsi u direynaa qaraabadda kuwa dhintey.

“Si lamid ah waxaan uga tacsiyeynaynaa saaxiibadooda, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah dhamaan dhaawacyadda”.

Dowladda Qadar:

“Waxaan aad uga xunahay falka wuxushnimadda ah ee argagixisanimada ah ee lala beegsadey xarunta Wasaarada

Waxbarashada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaan tacsi u direynaa dhamaan qoysaskii waayay kuwii ay jeclaayeen.

“Waxaan mar kale xaqiijinaynaa in aan garab taaganahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si lamid ah mowqifkeena adag ee ka dhanka ah rabshadaha iyo xagjirnimadda”.

Nuur Maxamed Sheekh, afhayeenka IGAD:

“Waxaan aad uga xunahay khasaaraha nafeed iyo burburka hantiyeed ee ka dhashay weeraradii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho, waxaana si adag u cambaareyneynaa fal dambiyeedka!

“Waxaan tacsi u direynaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliya (si lamid ah] qoysaskii ay ka geeriyoodeen, waxaana u rajeyneynaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah”.

Qaraxyaddan ayaa ka dhacay isgoyska Soobe halkaasoo shan sano kahor soo wajahdey dhacdo noocaan oo kale ah ayna ku nafwaayeen in ka badan 600 qof kuna dhaawacmeen dad ka badan 1,000 kuwaasoo badankooda ah rayid.