Sidee maanta looga ciiday Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka Soomaaliya ayaa maalinta koowaad ee Ciida-Carafo si weyn looga ciiday, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha ee caasimada ee Degmooyinka dalka.

Magaalada Muqdisho masjidka Isbaaheysiga Islaamka ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida.

Wddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ahaa saxmad oo waddooyinka ayaa ahaa kuwo cariira ah dad buux dhaafiyey, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta ee sawirada lagu galo.

Sidoo kale dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa si lamid ah Muqdisho looga ciiday, waxaana dadka wajiyadooda laga dareemayaa farxad iyo damaashaadka ciida.