Sidee Puntland ku xalinkartaa khilaafka Farmaajo iyo Rooble xili Deni Fursad weyn ka heley isla khilaafka labada Masuul?

GAROOWE-AYAAMAHA-Qoraal uu soo saaray Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa waxa uu kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee madaxtooyada ka taagan.

Puntland oo u muuqda inuu fursad weyn ka dhex helay khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa jaanis ugu raadinaya Saciid Deni inuu door weyn ka dhex ciyaaro siyaasadda Soomaaliya.

Waxa uu shaaca ka qaaday in xiisadda u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ay salka ku heyso arrimo ay ka mid yihiin dastuur jebin iyo hor socod la’aanta doorashada ah, isla-markaana lagu xalin doono magaalada Garowe iyadoo shirka soo socda lagu faaqidi doono.

“Khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa caasimadda Puntland ee Garoowe” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yiri Cabdi Ibraahim Warsame.

Sidoo kale Cabdi Ibraahim sharraxaad kama bixin sida ay Puntland ku wajaheyso dhex-dhexaadinta labada ma’uusl ee ugu sarreysa ee dalka, si loo soo afjaro khilaafkooda.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday shirka gaarka ah ee ay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ku leeyihiin Garoowe, isaga oo si weyn u boggaadiyey shirkaasi.

“Soo dhawaada ayaan idin leenahay Madaxda maamuladow Hooyada Federaalka gacmo furan ayey idinla diyaar tahay doorasho ayeyna rabtaa” ayuu ku sii daray qoraalkiisa.

Saciid Deni ayaa loo arkaa inuu fursad weyn ka helay khilaafka labada masuul ee ugu sarreysa dalka, isagoo rajaynaya inuu hada hogaanka doorashada uu hormuud uga noqdo maamulada inteeda kale.

Deni oo lagu tilmaamo inuu yahay musharax qarsoon oo an weli bananka iskeenin ayaa dad badan u arka in khilaafka labada masuul oo qeyb weyn ka yahay.