Sidee Safiya Nuur ugu suurta-gashay inay lacag ka dhacday dadka ugu caansan dunida, maxaase kajiro inay been tahay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalmihii la soo dhaafay, baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta caalamka waxaa qabsaday hadal heyn ku saabsan gabar lagu magacaabay Safiya Nuur, oo la sheegay in ay “si khiyaano ah” lacago kumannaan doolar ah uga qaadatay atooreyaal iyo dad kale oo saameyn ku leh Mareykanka.

Sida Twitter-ka laga hadalhayo, gabadhan oo la sheegay in ay heysato dhalasho Canada, balse asal ahaan tahay Soomaali, ayaa lagu eedeeyay in ay siyaabo kala duwan lacagaha uga “dhacday” dad caan ah oo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareyanka.

Sida ay qoreen warbaahinta uu ka mid yahay wargeyska ka warrama dadka caanka ah ee Vulture, Safiya waxay dadka “lacagta ka qaadatay u sheegeysay waxyaabo ay ku beer laxowsatay” sida inay “hooyadeed dhimatay oo ay dooneyso lacag ay aas ugu sameyso”.

Waxyaabaha kale ee ay dadka u sheegeysay waxaa ka mid ah “inay dhibaato kala kulantay kufsi wadareed loo geystay,” sida uu qoray website Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Meaww.

Waxa uu qoraaga bogga intaas ku daray in Safiya ay sheeganeysay in ay “uur u leedahay fannaan caan ah” balse ay la nooshahay qof kale oo Yutuber ah oo caan ah.

Qof walba oo ay la kulanto waxa uu moodayay in ay saaxiib la tahay saaxiib kale ee uu garanayo.

Si rasmi ah looma garan karo isku darka tirada lacagta la sheegay in ay “dadka ka qaadatay” balse wararka qaar waxay sheegayaan in ay gaareyso kumannaan dollar halka qaar kalena ayba gaarsiiyeen illaa malaayiin doolar.

Waxaase xusid mudan in dhammaan dadka ka hadlayay Safiya Nuur aysan ahayn kuwo eedeynayay balse dadka qaar ay su’aal galinayeen saxnimada eedeynta loo jeedinayay Safiya, iyagoo isweydiinaya in gabadhaas ay tahay mid fiican oo waxa laga sheegayo aysan run ahayn iyo inkale.

Source:-BBC

AYAAMAHA.