Sidee Shirkada Facebook ay xukun laba sano ah ugu ridday Donald Trump?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirkadda Facebook ayaa ku dhowaaqday inay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ka mamnuucday isticmaalka shabakaddan muddo laba sano.

Facebook ayaa madaxweyne Trump ku eedeysay inuu huriyay weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congress-ka Mareykanka 6-dii Janaayo 2021, isaga oo u adeegsanaya baraha bulshada oo ay Facebook ku jirto.

“Ayada oo la eegayo baaxadda duruufihii hoggaamiyey in la xayiro Mr. Trump, waxaan aaminsannahay in ficilladiisa ay ka dhignaayeen xadgudub weyn oo lagu sameeyey xeerarkeena, taasi oo u qalanta ganaaxa ugu sarreeya,” waxaa sidaas yiri madaxweyne ku-xigeenka Facebook ee arrimaha caalamiga ah Nick Clegg, oo soo saaray bayaan. 

“Waxaan cinwaanadiisa xannibi doonnaa muddo laba sano ah, oo kasoo billaabata taariikhda xayiraddii koowaad oo aheyd 7-da Janaayo ee sanadkan.”

Go’aanka Facebook ayaa yimid kadib markii guddi kormeer oo ay shirkadda sameeyey ay bishii tagtay joogteeyeen go’aankii Trump looga mamnuucay shabakaddan, balse ay sheegeen inaysan sax aheyn in Trump lagu soo rogo xayiraad abadi ah.

Trump ayaa si deg deg ah uga jawaabay go’aanka Facebook, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku yiri “Xukunka Facebook wuxuu aflagaado ku yahay 75-ka milyan ee ii codeeyey doorashadii 2020 ee lagu shubtay.”

“Ma ahan in loo ogolaado inay la baxsdaaan faafreebkan iyo aamusintan, ugu dambeynna waa guuleysan doonnaa. Dalkeena uma dulqaadan karno xadgudubkan hadda kadib,” ayuu yiri.

Facebook ayaa sidoo kale go’aan cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in hadda kadib aysan mas’uuliyiinta xilalka haya ka reebi doonin in lagu dabaqo xeerarka shirkadda, taasi oo Trump uu kaga baxsan jiray in tallaabo laga qaado muddadii uu xilka hayey.