Siyaasi kashifay sababta xilligan kala guurka ah xilka looga qaaday Wasiirkii arrimaha dibbadda.

Wasiir hore arrimaha dibbadda
Wasiir hore arrimaha dibbadda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan Hore Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo baarlamaankii Hore Soomaaliya ka mid ahaa waxa uu ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyey Wasiirkii Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Siyaasiga Cabdi Barre ayaa xaalad halis ah ku sheegay isbadel bedelka xilalka iyo darajooyinka ciidanka ee la bixinayo.

Waxa uu eedeyn ujeediyey Wasiirkii xilka laga qaaday iyo Kan la magacaabay isagoo cabdi barre ku tilmaamay in Villa Soomaaliya hogaankeeda uheshiiyeen in xoog dalka lagu sii maamulo.

Siyaasiga Cabdi Barre ayaa cod dheer ku sheegay in tani hore uga digay balse warkiisa la maqli waayey isagoo shaaciyey in wasiiro iyo xilal la magacaabo ay waddanka usii hogaamin karto xaalad adag oo gelin karta Soomaaliya.

Wasiir hore arrimaha dibbadda
Wasiir hore arrimaha dibbadda