Siyaasiyiin badan oo ka falcelisay warqadii kasoo baxday Villa Somalia.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa aad loo hadal hayaa warqad Madaxweynaha waqtigiisa dhammaday ee Farmaajo uu soo saaray oo lagu shaaciyey in awoodii Ra’iisul wasaare Rooble la hakiyey. taasoo lagu tilmaamay mic sharciga baalmarsan, maadaamaa madaxweynaha aan ku fadhin wax sharciyad ah.

Arrintaan ayaa aad looga hadal hayaa barasha bulshada, waxaana aad looga soo horjeestay warqadaas oo dad badan ay ku tilaameen mid aan shaqeyneyn.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warqadii shaqooyinta lagu sheegay ee lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

“Tallaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, waa sharci darro, mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madaxweyne shaqada ka joojin karo Ra’iisal Wasaaraha’Warqadda uu soo saaray Farmaajo waa  is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase amni” ayuu yiri Mungaab.

Sidookale Duqii hore Muqdisho Taabit Cabdi ayaa yiri “Madaxweyne sharciyad ku jooga ayaanan laheyn awood dastuuri ah ee uu ku hakin karo ama xil iga qaadi karo Ra’iisul Wasaare, iskaba daayee isaga oo muddo xileedkiisii dhammaaday”

Dhanka kale madaxweynihii hore ee maaulka HirShabeele Ali Cosoble ayaa ka digay in dagaal horseedi karto waxyaabaha warqadaha uu soo saaro madaxweyne farmaajo.

Madaxweyne M A Farmaajo waxaan kugula talinayaa inaad ka joogo khaladaadka aad sameyneyso. Waxaad ku socotaa waddadii Mad Cabdullahi Yusuf (au) ee sababtay iney beesha caalamka soo farageliso arrimaha Soomaaliya, una aqoonsatay inuu caqabad ku yahay geeddi socodka nabadda (spoiler) ayadoo ka dalabtay inuu ka dego xilka (is casilo).

Madaxweyne muddo xileedkaagii waa dhamaaday Ra’iisulwasaaraha ayaa sharciyan leh awoodda hirgelinta doorashooyinka iyo socodsiinta howlaha dowladda. Adiga waxaad tahay musharrax doonaya inuu xilka sii hayo, ma noqon kartid dhexdhexaad waxaana caddeyn u ah sida aad u hortaagan tahay arrinta marxuumad Ikran Tahalil.

Sidoo kale baraha bulshada internetka ayaa aad looga hadal hayaa mowjadaan cusub ee soo korartay, waxaana dad badan aaminsan yihin in Madaxweyne Farmaajo uu kasoo horjeedo kiiska Ikraan Tahliil oo Ra’iisul wasaare Rooble balan ku qaaday in cid walbo oo ku lugyeelata kiiskaas maxkamad lasoo taagi doono.