Siyaasiyiin Caan ah iyo xildhibaanno ka hor yimid Muddo kororsiga Xasan Sheekh.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Tan iyo markii uu soo shaac baxay Qorshaha muddo kororsiga ee hay’adaha dowladda gaar ahaan Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa si toos uga horyimid siyaasiyiinta iyo xildhibaannada diidan Mooshinka Muddo kordhinta ee laga wado labada Aqal ee Baarlamaanka.

Qorshahan muddo kororsiga oo si hoose ku socday ayaa la rumeysan yahay inay hoos ahaan u abaabushay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaayna labada Aqal u magacaabeen Guddiyo kasoo talo bixiya, iyadoo ujeedku yahay in muddo Sanad ama ka badan loogu daro Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo hadda muddo xileedkoodu yahay 4 sano.

Xubnaha sida cad uga hor yimid muddo kororsiga socda, waxaa ka mida:

Shariif Sheekh Axmed: Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd, isagoo dhowr jeer ka digay arintan, sida ku cad Qoraal uu soo saaray Xisbigiisa Himilo 20-kii Febraayo 2023.
Xildhibaan Yuusuf Gama’diid: Xoghaya guud ee Xisbiga Himilo Qaran ahna Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aan aqbali doonin muddo kororsi sharci darro ah oo ay abaabulayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxtooyada, Baarlamaankana aan la horkeeni karin.

C/raxmaan C/shakuur Warsame: oo ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha horeyna u ahaa mushaax madaxweyne kana tirsan Baarlamanka ayaa isna ka horyimid muddo kororsiga socda, kuna tilmaamay nasiib darro.

C/qaadir Cosoble Cali: oo ahaa Musharax hore iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa si weyn u diidan muddo kororsiga cusub, Wuxuuna ka digay Qorshaha muddo kororsiga ee Xasan Sheekh, wuxuuna hore uga hor yimid heshiiskii K/Galbeed ee Sanadka loogu ogolaaday madaxweyne C/casiis Lafta-gareen.

Waxaa xusid mudan in Xasan Sheekh horay uga mid ahaa musharaxiintii Farmaajo ka diiday muddo kororsi labo sano oo Baarlamanka ansaxiyeen.