Siyaasiyiin uu hogaaminaayo Cabdi Xaashi oo weerar afka ah ku qaaday Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal kasoo baxay Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi Garabka Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble loo xilsaaray xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooi oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed balse nasiib darro aysan dhicin taasi oo muddo hadda laga joogo Bil & 20 Cisho ka hor loo xilsaaray.

Sidoo kale qoraalkooda waxaa ay ku sheegay in Gudoomiye Cabdi Xashi uu dhowr jeer taleefon kula xiriiray Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kale uu qoralo u diray balse uusan usoo jawaabin, intaasi kadibna ergo uu du iray kadib ay sababtay inay kulman RW Rooble & guddoomiye Cabdi Xaashi 19kii Bishii June, isla markaana ay ku balameen in Saddexda Xubnood ee lagu daray Xubnaha Guddiga doorashada Soomaliland inay noqdaan kuwo dhex-dhexaad ah oo an ka qeyb gelin doorashada Guddoonka guddiga doorashooyinka Soomaliland & in Guddiga laga saaro Shaqaalaha dowladda & Ciidamada balse taasi ay dhici weysay, isla markaana uu jebiyay dhamaan balan qaadkiisii.

Ugu dambeyn Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Somaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi ayaa waxaa ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu ficil ahaan u fuliyo balan qaadkiisii iyo gudashada mas’uuliyadii lagu aaminay, iyaga oo sidoo kale ugu baaqay in uu qabto kulan go’an mideysan looga garayo arrimahaan hoose ee taagan, kuwaas oo kala ah.

1: Mideynta guddoonka guddiga doorashooyinka Somaliland oo xaaladaha aanu kor ku soo sheegnay sababeen in uu kala jabo oo labo guddoon yeesho.

2:  Habraacyada gaarka ah ee Doorashada Xildhibaanada labada aqal ee ka soojeeda Somaliland In laysla meel dhigo Goobta Doorashada iyo amnigeeda.

3:  Maamulka Guud ee Doorashada iyo hagideeda.

Ugu dambeyn om iyaga dhinacoda ay  mar walba diyaar u yihiin in ay si dhow ugala shaqeayaan Ra’iisul Wasaaraha sidii xal kama dambeys ah loo gaari lahaa, laakiin  ay sheegeen inay u muuqato in Ra’iisul Wasaaruhu dhinac u xaglinayo ama aanu isaga laftiisu xor u ahayn hirgelinta balamihiisa marka la jooga arrimaha doorashada xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda Soomaaliland.