Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi Oo Walaac Ka Muujiyay Faragelin Uu Wado Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ayaa walaac ka muujinaya faragelinta qaawan ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ku hayo dib u habeynta iyo magacaabista guud ahaan guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa u xilsaaran doorashada kuraasta Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta ayaa lagu sheegay inay u caddaatay in Madaxweyne Farmaajo uu si toos ah u soo farageliyay howshii Guddiga Xukuumadda u xilsaartay kala saarida xubnaha Guddiyada doorashooyinka ee cabashada laga keenay.

Golaha ayaa Farmaajo ku eedeeyay in Guddiga Wasiirada uu ku amray inay dib u soo celiyaan xubno shaqaale dowladeed oo horey looga saaray Liiska Guddiga doorashada Somaliland, iyagoona xusay inuu kamid yahay Khadar Xariir Xuseen.

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay in Madaxweynaha uu dadaal weyn ugu jiro inuu gacantiisa kusoo qorto 5-tii xubnood oo aheyd in Xukuumadda xilgaarssinta kusoo darto Guddiyada doorashada iyo Guddiyada xalinta khilaafaadka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayey Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ugu baaqeen inuu joojiyo faragelinta uu Madaxweyne Farmaajo ku haayo dib u habeynta iyo magacaabista xubnaha kamid noqonaya Guddiyada doorashada ee Somaliland.