Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Galmudug oo ku kala qeybsamay sida loo wajahayo Ahlu-Sunna

Ahlu-Sunna
Ahlu-Sunna

MUQDISHO-AYAAMAHA-Galmudug waxay wajahaysaa xaalad jahwareer iyo hubanti la’aan ah kadib markii ay siyaasiyiinta kasoo jeeda degaanka ay si weyn ugu kala qeybsameen sida loo wajahayo ururka Ahlu Sunna, ee isku dayaya inuu talada kala wareego Qoor-Qoor.

Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay Muqdisho ayaa isku maandhaafsan qaabka lagu xalin karo tabashadda Ahlu Sunna, oo si lama filaan ah awoodeedii dib ugu soo ifbaxday mudo maalmo gudahooda ah, islamarkaana la wareegtay Guriceel iyo degaanno ku dhaw Dhuusamareeb.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ay kamid yihiin Mahad Salaad iyo Cabdixakiin Maclin Axmed ayaa ku tilmaamay Ahlu Sunna jabhad kusoo duushay Galmudug, islamarkaana doonaysa inay cagta mariso nidaamka dowladeeda ee ka jira, waxayna soo jeediyeen in awoodda militeri looga hortago.

Waxaa fekerkaas oo kale qaba Xasan Cali Khayre oo xiligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha waqti badan ku bixiyay dib u heshiisiinta Galmudug, isagoo si cad u shaaciyay inuu kasoo horjeedo duulaanka Ahlu Sunna, wuxuuna ku baaqey in si wadajir ah looga hortago.

“Waxaa nasiib darro ah oo aan la aqbali karin in reer Galmudug markii mudo dheer kadib dareemeen dowladnimo iyo horey u socod ay Maanta kooxo hubeysan ay qabsadaan degaanno nabad ah, islamarkaana ay geliyaan bulshadda colaad iyo barakac, lana hor-istaago horumarkii socday,” ayuu yiri Khayre.

Laakiin, Xildhibaanno kale iyo Madax hore ayaa u arka in arinta Ahlu Sunna aysan u baahnayn awoodd Ciidan, balse u baahan tahay wadahadal iyo in lala fariisto hogaamiyeyaasha Ururka, islamarkaana la dhageysto tabashadooda kadibna la xaliyo.

Dadka in aan lala hadlin Ahlu Sunna qaba ayaa aad u badan, xitaa waxaa ku jira Qoor-Qoor oo dowladda Soomaaliya ka dalabadey Ciidamo si uu dib ugala wareego Ahlu Sunna goobihii ay ka qabsatay. Waxaa magaaladda Dhuusamareeb gaarayay maalmihii lasoo dhaafay diyaarado sida Ciidan oo ka yimid Muqdisho.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa tuhmaya in siyaasiyiin dhowr ah oo reer Galmudug ah inay gacan ka geysteen dib usoo laba-kacleynta Ahlu Sunna, islamarkaana ay doonayaan inuu meesha ka baxo maamulkiisa muda-xileedkiisa labo sano u dhiman.

Hogaanka Ahlu Sunna oo hadda si buuxda u saldhigtay Guriceel ayaa sheegay in Galmudug ay noqotay NGO mudadii ay ka maqnaayeen, islamarkaana siyaasiyiinta kasoo jeeda ay kursi usoo raadsadaan markii waqtigooda uu dhamaado kadibna diyaarad ka raaca.

Wuxuu sheegay Sheekh Shaakir in Ahlu Sunna ay la dagaalamyso Al-Shabaab, islamarkaana aysan duulaan ku ahayd nidaamka ka jira Galmudug iyo doorashooyinka. Hadalkan ayaa u cuntami waayay Qoor-Qoor kadib markii Kooxda ay 30-KM u jirsatay Dhuusamareeb.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa qori caaradiisa looga saarey Dhuusamareeb horaantii sanadkii tagey ee 2020, iyadoo loo awood sheegtay maamulkooda, islamarkaana si xun loola dhaqmay Sheekh Shaakir iyo Maclin Maxamuud.

Waxay ku laabteen Galmudug ku dhawaad labo sano kadib oo dibadjoog ahaayeen, iyagoo billaabey abaabul Ciidan oo xooggan iyo qabsashadda degaanadii ay horey ugu sugnaayeen.