Siyaasiyiinta Waqooyi oo heshiis rasmi ah ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay ee Doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa ka heshiiyay khilaafkii u dhaxeeyay Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ay kala hogaaminayeen.

Qoraal wadajir ah ay soo saareen labada garab ayey ku sheegeen in ay ka heshiiyeen khilaafkii labada garab u dhaxeeyay sidoo kale xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi.

Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Raisul Wasaare kuxigeenka dalka in lasoo afjaro is kooxeesigii u dhaxeeyay Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi si deg deg ah loo guda galo Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

HOOS KA AKHRISO

1-In lasoo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).

2-In la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashada heer Somaliland (GMDHSL), iyada oo garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ay qaadanayaan guddoomiye ku xigeenka guddiga iyo madaxa amniga iyo logistikada.

3-In lasoo afjaro iskooxaysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta gobollada waqooyi (Somaliland), loona midoobo hirgelinta doorasho hufan oo aan daahitaan laheyn.

4-In si sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda-galo hirgelinta doorashooyinka kuraasta labada aqal ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).

Heshiiskan cusub ee ay wada gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa meesha ka saaraya is jiid jiidkii u dhexeeyey labada garab, waxaana la filayaa in si deg deg ah loo guda-galo doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka imaanaya Somaliland.