SOMA oo cambaareysay weerar ciidamo ku qaadeen xarunta Idaacadda Hiiraanweyn

MUQDISHO-AYAAMAHA-Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa cambaareysay  weerar ciidamo la sheegay inay ka Amar qaataan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ay ku qaadeen xarunta Idaacadda Hiiraanweyn.

Hoos Ka Akhriso War Saxaafadeed SOMA 

SOMA waxeey aad uga xuntahay Xarigii foosha xumaa ay ciidamada Hirshabeelle kula kaceen warbaahinta Hiiraanweyn Iyo Howlwadeenadeeda.

Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxeey aad uga xuntahay falkii foosha xumaa ay ciidamada maamulka Hirshabeelle kula kaceen warbaahinta madaxa banana ee Hiiraanweyn xarunteeda magaalada Baladweyne.

Jimce 2:50 duhurnimo, January 21, 2022, ciidan boolis ah oo aad hubeysan ayaa weeraray idaacadda Hiiraanweyn xarunteeda Baledweyne, amarna ku bixiyay in la demiyo idaacadda, waxayna la wareegeen furayaasha idaacadda, iyagoo markaa ka dibna kexeystay toddobo suxufi oo ka shaqeynaysay idaacadda kuwaa oo si sharci darrro ah loogu xiray saldhigga booliska Baledweyne.

Suxufiyiinta xabsiga ku jiraa ayaa kala ah;

1-Yaasiin Cali  Axmed Tafatiraha Hiiraanweyn

2- Abdullaahi Ali Abukar Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha

3-Maxamed Ibraahin Axmed

4-Maxamed Cismaan Maxamuud

5- Cabdisamad Cilmi Cabdi

6 Cabdi Majiid Maahir

7-Mustaf Cali Cadoow.

“Falkaas lagula kacay Hiiraanweyn waa mid baal marsan dhammaan shuruucda iyo xeerarka dalka uu leeyahya waana mid ka baxsan anshaxa suuban ee Soomaalida iyo midka bini-aadanimada.

Warbaahinta iyo wariyeyaasha waa la eedeyn waana la dhaliili karaa balse waxaa jira dariiq sharcigu ogol yahay in loo maro marka ay timaado xataa in maxkamad la hor geeyo, Balse waa nasiib darro weyn hab dhaqanka ciidamadii gudaha u galay idaacadda.

Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxeey cambaareynaysaa weerarka iyo xiritaanka sharci darrada ee lagu sameeyay idaacadda Hiiraanweyn, waxaana ugu baaqeynaa maamulka Hirshabelle in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah uu xorriyaddooda dib ugu celiyo suxufiyiinta u xiran, una ogolaado in idaacaddu shaqadeeda dib u bilowdo.