Somalia & Kenya oo dib u furaya safaaradaha Muqdisho & Nairobi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dal, dibna loo furo safaaradaha Muqdisho & Nairobi, kaddib wada-hadal dheer oo dhanka taleefanka ay ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee labada dal.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada Dowladood ayaa lagu xusay inay ka wada hadleen labada Mas’uul arrimaha Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muujiyay muhimadda ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo sii xoojineysa cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale Labada wasiirba ayaa waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo safaaradooda ee kala ah Kenya iyo Soomaaliya ee Nairobi iyo Muqdisho, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.