Somalia oo markii ugu horreysay qiratay in dalka uu kajiro musuq maasuq

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Baari ayaa sheegay in arrinta lagu sheegay in Soomaaliya kaalinta ugu hooseysa ay musuqa caalamka uga jirto ay tahay mid sax ah .

Waxa uu guddiga ladagaalanka musuq maasuqa ugu baaqay in ay si gaar ah isha ugu haayaan musuq maasuqa ka jira arrimaha doorashooyinka oo ay ugu horeyso qarashaadka ay ku bixiyaan musharixiinta u taagan kuraasta golaha shacabka .

Dhamaan hay’adaha dowladda ayuu ka dalbaday  in ay la shaqeeyaan gudigaan saameynta uu musuqa ku leeyahayna dalkana ay tahay dareemi karo cabashada ka taagan.

Todobaadkaan ayaa warbixin soo baxday waxaa lagu sheegay in Soomaaliya kaalinta ugu horreeysa kaga jirto dalalka ugu horreeysa ee musuq maasuqa sameeya.