Somaliland oo ajaanibta ku nool ku sugan ku amartay inay isaga baxaan wadanka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamulka Soomaaliland ayaa ku amray in muddo 20 maalmood ah ay degaannadeeda isaga baxaan dadka Ajaanibta ah ee aan heysan sharciga, kuwaas oo ka Shaqeysta degaannada Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Laanta Socdaalka Somaliland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 28 /07/2022 ilaa 17/08/2022 dadka Ajaanibta ah ee sharci darrad kujooga Somaliland ay isaga baxaan, sidoo kalena shirkadaha, Hayadaha iyo Ganacsata ay ka hawlgalaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyaan oo qura ajaanib ka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti).