Somaliland oo weli ka socota Tirinta codadka doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa weli degaannada Soomaliland ka socda tirinta Codadka doorashadii Golaha Wakiilada iyo degaanka ee ka dhacday Maalin ka hor degaannada Maamulkaas, taas oo ay ku tartamayeen in ka badan 1,000 ( Kun) Musharax.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Eng, Cabdirashiid Riyo Raac ayaa sheegay galabnimadii shalay mar uu warbaahibta la hadlaayay sheegay in saacadaha soo socda lagu dhawaaqdi doono Natiijadda hordhaca ee doorashada.

Guddoomiye Cabdirashiid Riyo Raac ayaa tilmaamay in maanta oo Arbaco ah la shaacin doono Natiijada doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland, iyadoona dadka Somaliland ay siweyn u sugayaan shaacinta natiijada.

Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay.

Dhanka kale xog laga helay doorashada Somaliland ayaa sheegeysa in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir. Sidoo kale 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka 47% ay dumar ahaayeen.

In ka badan hal malyan oo qof oo ah shacabka Somaliland una dareeray goobaha Codbixinta doorashada ayaa dhiibtay codadka ay ku dooranayaan 82 Xildhibaan oo u tartamaya Baarlamaanka iyo 249 Golaha guurtida ah.