Soomaali ku xirneyd dalka Ukraine oo la siidaayay

MUQDISHO-AYAAMAHA-30 Qof oo Soomaali ah oo ku xirnaa wadanka Ukraine ayaa la siidaayay, sida ay Warbaahinta Dowladda u xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dadkaan la siidaayay ayaa la filayaa inay ka baxaan dalkaas, waxaana socda dadaalo ay wado wasaaradda Arrimaha dibadda oo lagu doonayo in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku tagaan dalalka dariska la ah Ukraine.

Soomaalida kunool dalka Ukraine oo u badan Arday ayaa waxaa saameyn ku yeeshay Colaada kajirta dalkaas.