Soomaali lagu xiray dalka Zambia iyo Dowladda oo ka hadashay.

Warsaxafeeed kasoo baxay  Wasaaradda Arrimaha dibada ayaa lagu xusay in ay socdaan baaritaano la xariira sababa keenay in dadkaasi si guud loo xirxiro xilli ay muddo dheer kunoolayeen dalka, islamarkaana arintaasi ay salka ku heyso I sir naceyd.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka loo xummaaday”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.