Soomaalida ku nool Kenya oo cabsi iyo walaac ka muujiyay gabdhaha la afduubanayo

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa cabsi iyo walaac xoog leh ka muujiyay afduubka loo geysanayo gabdhaha Soomaaliyeed iyadoo weli aan weli xaaladooda laga warheyn gabdho la afduubtay.

Gabdhaha lagu afduubtay magaalada Nairobi ayaa tiradoodu gaareysaa illaa afar halka mid ka mid ah gabdhahaasna la helay xalay kadib markii ay ka soo baxsatay kooxdii afduubatay.

Mid kamid ah gabdhaha la afduubtay ee dib loo helay Hibo Faarax ayaa wararka qaar ay sheegayaan in lacag madax furasho ah la bixiyay hase yeeshee Hibo aabaheed ayaa beeniyay in madax furasho la bixiyay balse gabadheeda ay ka soo baxsatay kooxda afduubka u geysatay.

Hase yeeshee Najo Cabdulaahi oo ka mid ahayd gabdhaha la afduubtay ayaa meydkeeda la helay.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Kamukunji ayaa sheegay in maalmihii dambe ay soo bateen tacadiyadda ka dhanka ah gabdhaha Soomaalida.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Kenya oo ku saabsan sidii ay wax uga qaban lahaayeen falkan afduubka ah oo cabsida ku beeray dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.