Soomaaliya & itoobiya oo ka wada hadlay badqabka iyo amniga Diyaaradaha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa shir Guddoomiyay kulan ay yeesheen Hay’adaha Duulista Rayidkaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya, oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay intii uu socday sidii dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya u yeelan lahaayeen Iskaashi dhexmara oo la xiriira badqabka iyo amniga Diyaaradaha, iyadoona loo gogol xaaray sidii ay labada dhinac u yeelan lahaayeen Shirar kale oo lagu gaaro Heshiisyo la xariira Khibrad isdhaafsiga.

Shirkaan ayaa intii uu socday lagu kafa guray Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi dhexmara labada Hay’adood,iyadoona lagu balamay in la yeesho Shirar kale oo arrimahaan lagu xoojinayo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin Xariirka Hay’adda Duulista Rayidka ah ay la yeelanayso dalalka Gobolka.

Dhankiisa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Shirkaan, waxanaa uu intaas raaciyay in Iskaashiga kabada Hay’adood uu wax badan ka badalayo khubaradooda shaqo iyo Adeegyada ay siiyaan labada Shacab.

Ugu Dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Md. Duran Farah ayaa soo dhaweeyay Iskaashiga Hay’adaha Duulista Rayidka ah, wuxuu sheegay in Heshiisyo sidii loo gaari lahaa shirkaan gogol xaar yahay.