Soomaaliya Iyo Mareynkanka Oo Ka Wada Hadlay Amniga Doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Safaaradda Mareynkanka ee magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada Safaaradda Mareykanka Wendy Stancer oo ay wehlinayeen masuuliyiinkale oo katirsan Safaaradda.

Kulanka ayaa looga hadlay arimaha amniga doorashooyinka iyo mashaariicda ay isla wadaan Safaaradda Mareeykanka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxa siyaasadda Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada Safaaradda Mareeykanka Wendy Stancer ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay had iyo jeer ugu heelan yihiin sugida amniga dalka.