Soomaaliya Iyo Masar Oo Heshiisyo Cusub Kala Saxiixday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Masar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Mostafa Madbouly.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta, awqaafta iyo dhaqanka.

Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Abshir Cumar Huruse, wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac.