Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md.Khaliif Cabdi Cumar oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md.Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa maanta habka foggaan araga ah kulan kula yeeshay madax ka socotay Midowga Yurub iyo hay’adda UNIDO ee Soomaaliy.

Kulanka ayaa looga hadlay  horumarinta ganacsiga dhexe iyo kuwa yar-yar ee dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warahadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar oo halkaas ka hadlay, ayaa Midowga Yurub iyo hay’adda UNIDO ba ku boggaadiyey dedaaladooda horumarinta Ganacsiga ee dalka, waxaana uu sheegay inay ka dawlad ahaan soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qeyb qaadanaysa horumarka wadanka.