Soomaaliya iyo Tanzania oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga Gobolka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalka Tanzaniya wasiirka Difaaca iyo adeegga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence Tax.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Tanzaniya, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ee difaaca.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahad celiyay dowladda Tanzaniya soo dhoweynta diirran ee ay isaga iyo wafdigiisu u sameeyeen.

Soomaaliya ayaa waxaa ay dagaal kula jirtaa Ururka Al-Shabaab, waxaana jira dowlado dhowr ah oo dowladda Soomaaliya ka taageera tababarka iyo qalabeynta Ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.