Soomaaliya iyo Venezuela oo ka wada hadlay arimo ku saabsan labada dal.

8

MUQDISHO-AYAAMAMAH-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Jimce ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Venezuela Felix Plasencia,

Wada-hadalka dhexmaray Wasiir Cabdisaciid iyo dhiggiisa Felix Plasencia ayaa waxaa ay uga hadleen Arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka Labada Dal, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii ay labada Dal u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Venezuela la wadaagay fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sida ay uga go’an in ay Labada Dowladood yeeshaan xiriir qotadheer oo ku qotoma danaha Labada Shacab iyo Labada Qaran ee Soomaaliya iyo Venezuela.