Soomaaliya & Jaamacadda Carabta oo wada hadalo Muhim ah yeeshay.

QAAHIRO-AYAAMAHA-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta booqasho sharafeed ugu tagey Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil Bin C/raxmaan Al Casuumi oo si qurux badan ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Baarlamaanka Carabta iyo Soomaaliya sidoo kalle Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Gudoomiyaha ka codsaday in dhalinyaradda soomaaliyeed looga faa’ideeyo tababaradda iyo fursadaha shaqo ee ay bixiyaan baarlamaanka carabta.

Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa bogaadiyay doorka iyo waxqabadka cajiibka ah ee Baarlamaanka Carabta heerarkooda kala duwan si loo gaaro himilooyinka shacabka Carabta.

Dalalka Jaamacadda Carabta oo ay Somaaliya kamid taha ayaa waxaa ay inta badan taageero siiyaan Soomaaliya, iyaga o mararka qaar garab istaag u muujiya markii ay jiraan Arrimo siyaasadeed