Soomaaliya maka mid noqon kartaa qilaafka Webiga Niil?

Wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa beeniyay in Soomaaliya ay qeyb  tahay muranka ka dhexeeya Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Socdaalka uu ku tagay Magaalada Qaahira ayaa waxa uu ku tilmaamay inaysan ka dhigneen in xukuumadda Muqdisho ay garab u tahay dhiggeeda Masar, balse arrimaha gaarka ah ee labada dal uu ku qotomay safarkiisa.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka madax-bannaan tahay is qabqabsiga Dowladaha xiriirkoodu xumaaday balse dal weliba ay ula tacaamuleyso danaha gaarka ah ee ka dhaxeeya sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu meesha ka saaray tuhunka la xiriira in Soomaaliya ay garab u muujineyso dhinac kamid ah dalalka cilaaqaadkoodu aanay wanaagsaneen, iyada oo laga tusaale qaadanayo socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka.