Soomaaliya oo daah furtay nidaamka lacag bixinta ee SPS

aah-furay nidaamka shaqo ee lacag bixinta deg-degga ah
aah-furay nidaamka shaqo ee lacag bixinta deg-degga ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daah furay nidaamka lacag bixinta ee Somali Payment Switch (SPS), taasi oo ah tallaabo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo hanaanka lacag bixinta.

Ra’iisul wasaare Xamsa, ayaa sheegay in horumar laga sameeyay nidaamka lacag-bixinta, oo si ammaan ah ay bulshadu u isticmaasho adeegga lacagaha danabeysan taas oo ay fududeeyeen bangiyada Soomaaliyeed, wuxuuna dhiirrigelinayaa isticmaalka teknoolojiyadda lacag-bixinta oo casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. ayaa yiri “Si uu dalkeennu u helo dib-u dhis waa in aan taageerno ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo maalgashiga, Xukuummaduna waxay diyaarineysaa sharciyadii lagu ilaalin lahaa dhaqaalaha dadka, waxaan rabnaa in laga hortago maalgalinta argagixisada, si loo ciribtiro Khawaarijta.Waxaa kale oo naga go’an in aan hirgalinno Qorshayaasha Xukuumadda, oo uu qeyb ka yahay amniga, dhaqaalaha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed”.

lacagaha iyadoo la istcimaalayo bangiyada kala duwan ee dalka, wuxuunna qeyb wayn ka qaadan doonaa hufnaanta, mushaar bixinta, sugnaanta adeegga dhaqaalaha ee bulshada iyo maalgashiga dhinacyada kala duwan.