Soomaaliya oo ka badbaaday in ay la mid noqoto Eritrea iyo Itoobiya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka qeyb galayay barnaamij dood ah ayaa sheegay in “Shantii sano ee lasoo dhaafay hadii uusan Soomaaliya ka jir lahayn nidaamka federaalka ay noqon lahayd sidda Eritrea oo kale”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Farmaajo uu qaatay arragti laga maamulo Eritrea balse lagu badbaaday in dowlad-goboleedyada dalka diideen qorshaha “halista ah Farmaajo” dalka la doonayay si uu xukunka u sii joogo.

“Waxa kaliya ee dalkeena ka badbaadiyay in ay noqoto Eritrea kale waxa ay eheyd nidaamka Faderaalka maadaama qaar ka mid ah maamulada ay ka horyimaadeen damaca Farmaajo” ayaa sheegay .

“In koox gaar ah iyo shaqsiyaad dalku gacanta ugalo waxa ay eheyd halis badan oo dalku wajahay” ayuu hoosta ka xariiqay mudanaha oo ka tirsan xubnihii baarlamaanka ka soo galay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Xeerdajiyahaan ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu soo bandhigay qodobo hadii sida ay tahay loo fuliyo wadanka looga saari karo marxaladaan adag isaga oo tix raacaya waraysi uu madaxweynahu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa bilaabaya afartii sano ee uu xilka hayn lahaa, waxaana uu wajahayaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin kala qeybsanaanta siyaasadda dalka iyo weerarada sii kordhaya ee kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh AlQaacida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in uu wax ka qabanayo siyaasada, dhaqaalaha iyo la dagaalanka aragtida Al-Shabaab, oo ah khatarta ugu way nee Soomaaliya tan iyo markii ay soo shaacbaxday sanadkii 2007-dii.

Awood qeybsiga Soomaaliya ayaa ah mid lagu saleeyo hab beeleed oo deegaan ahaan loo yaqaan nidaamka 4.5, iyadoo beelaha tirada badan loo qoondeeyay kuraasta ugu badan ee baarlamaanka halka beelaha yar yar marka la isu geeyo ay helaan inta soo hartay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha uu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub oo u baahan ansixinta Baarlamaanka ka hor inta uusan guda gelin magacaabista Golaha Wasiirada.