Soomaaliya & Qatar oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u jooga Soomaaliya,  Xasan Bin Xamsa Asad, oo booqasho sharafeed ugu yimi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Qadar ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen arrimo quseeeya Xiriirka labada Dal Soomaaliya iyo Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa dhankiisa uga mahad celiyay taageerada ay dowladda Qatar mar walba siiso dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.

Waxaana si gaar ah ay diiradda ugu saaareen kulankooda xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar.

Dowladda Qatar oo la sheego inay tahay saaxiibka koowaad ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo -la takiyihiisa Amniga Qaranka Fahad Yaasiin ayaa waxaa ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic dhowr ah oo ay kamid yihiin dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar