Taageereyaasha Imran Khan oo ku hanjabay inay la wareegayaan caasimadda Pakistan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska Pakistan ayaa sheegay in la baarayo raysul wasaarihii hore ee dalkaas, Imran Khan oo lagu soo oogay dacwado.

Baaritaannada ayaa yimid kaddib markii uu ku eedeeyay booliska iyo waaxda garsoorka dalkaas in ay xarig iyo jirdil isugu dareen kaaliye ay aad isugu dhow yihiin.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta dalkaas, iyadoo taageereyaasha hoggaamiyihii hore ay isugu soo baxeen bannaanka gurigiisa iyagoo wacad ku maray inay “la wareegi doonaan caasimadda” haddii xabsiga loo taxaabo.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray bishii Abriil, Imran Khan wuxuu si weyn u dhaleeceeyay dowladda iyo ciidamada dalkaas.

Booliiska ayaa shaaciyay baaritaanka tan iyo markii uu mas’uulkaas ku eedeeyay dowladda inay jir-dishay kaaliyihiisa oo ay aad isugu dhowaayeen, kaas oo laftiisa loo xiray eedeymo kacdoon la xiriira.

Mar uu Sabtidii khudbad ka jeediyay meel fagaare ah ayuu Khan cambaareeyay taliyaha booliska Islamabad iyo haweeney xaakim ah oo uu ku eedeeyay xarigga saaxiibkiis oo ay isku xisbi yihiin iyo in ay si xun ula dhaqmeen.

“Waa in aad diyaar u ahaataan in aan annagana tallaabo idinka qaadi doono,” ayuu yiri isagoo si gaar ah farta ugu fiiqaya labada mas’uul.

Booliska wax baaraya ayaa sheegay in laga yaabo in Khan uu ku xadgudbay xeerka la-dagaallanka argagixisada ee dalka u yaalla, kaddib markii lagu eedeeyay in uu hanjabaad u jeediyay mas’uuliyiinta gobolka.

Boqollaal taageerayaasha raysul wasaarihii hore ah ayaa isugu soo baxay bannaanka gurigiisa oo ku yaalla Islamabad markii uu soo baxay warka ku saabsan baaritaanka, iyagoo wacad ku maray inay “la-wareegi doonaan” caasimadda haddii uu boolisku isku dayo inuu xiro Imran Khan.

Booliska goobta ku sugnaa ayaa sheegay in aysan halkaas u tagin in ay xiraan hoggaamiyihii hore, balse ay u joogeen ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.

Baaritaankan ayaa yimid kaddib markii ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa dowladda Pakistan iyo raysul wasaarihii hore, kaas oo codka kalsoonida lagala laabtay.

Wixii xilligaa ka danbeeyay, hoggaamiyihii hore waxa uu socdaallo ku soo maray dalka oo uu ka jeediyay khudbado xanaf leh, isagoo ku talinayay in doorasho cusub la qabto, isagoo dhaliilay dowladda iyo ciidamada.

Sabtidii, Hay’adda Warbaahinta Pakistan ayaa ku dhawaaqday in telefishinnada laga mamnuucayo inay si toos ah u tabiyaan khudbadihiisa, iyadoo ku eedeysay Khan inuu jeediyo hadallo naceyb ah oo ka dhan ah hay’adaha dowladda.

Hoggaamiyihii hore ayaa ku andacoonaya in dowladdu ay isku dayeyso in ay faafreeb ku sameyso isaga. Axadii, ayuu dhaleeceeyay mamnuucidda isu soo bax siyaasadeed oo kale oo ka dhaca magaalada Rawalpindi.

Wuxuu markii dambe ku eedeeyay dowladda in ay ka xannibtay barta Youtube-ka khudbaddiisa oo kala bar mareysay, si ay uga hortagto in ay dadku si toos ah u daawadaan.

Inkastoo horaantii sanadkan xilka looga xayuubiyay cod kalsooni kala noqosho ah, Imran Khan ayaa weli ku xisaabtamaya taageerada codbixiyeyaal badan.

Bishii la soo dhaafay, xisbigiisa PTI ayaa ku guuleystay 15 ka tirsan 20-ka kursi ee gobolka Punjab oo uu ku xoogganaa xisbiga xifaaltanka uu kala dhaxeeyo ee PML-N.

Dad badan ayaa u arkayay guusha ku celiska ah ee bishii Luulyo inay muujinayso taageerada uu heli karo marka ay timaado sanaadiiqda codbixinta iyo saadaalinta waxa dhici kara haddii sida uu dalbanayo la qabto doorashooyin xilligooda laga soo hormariyay.

BBC