Taalibaan miyey leedahay awood ay kula dagaalanto Iraan?

Warbaahinta Iran ayaa ku eedeeyay Taliban in ay dagaalka bilowday
Warbaahinta Iran ayaa ku eedeeyay Taliban in ay dagaalka bilowday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warsaxaafadeed uu habeenkii xalay ahaa baahiyay afhayeenka Taliban Zabiullah Mujahid ayuu ku sheegay in is faham-darro ciidamada ah uu dhaliyay dagaalka ka dhacay gobolka Nimruz ee Afghanistan oo ku yaalla xuduudda.

Mujahid ayaa sheegay in xaalku uu hadda deggan yahay ayna hoggaanka Taliban soo saareen tallaabooyin looga hortagayo in isfaham-waa noocaan ah oo markale dhaco.

Warbaahinta Iran ayaa ku eedeeyay Taliban in ay dagaalka bilowday ka dib markii ay Arbacadii rasaas ku furtay fariisin ay lahaayeen ciidamada Iran, ka dib jahawareer ku aaddan marinka soohdinta labada dhinac.

Wakaaladda wararka Iran ayaa beenisay in askari looga qabsaday dagaalka.

Iran ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Pakistan iyo Turkey kuwaasi oo safaaradahooda ay wali ka sii furan yihiin Kabul ka dib markii kooxdan Islaamiga ah ay saddex bilood ka hor la wareegtay gacan ku heynta Afghanistan ka dib markii ay dalkaasi ka bexeen ciidamadii huwanta ee uu Mareykanku hoggaaminayay.