Taalibaan oo la wareegtay magaalooyinka muhiimka ah ee dalka, Kabul-na qarka u saaran

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka Taalibaan ayaa u qarka u saaran inuu dib ula wareego gacan ku haynta waddanka Afgaanistaan, xilli magaalada caasimadda ah ee Kabul ay haatan tahay magaalada kaliya ee wayn ee ay dowladdu maamusho.

Qabshada Jalalabad iyadoon wax dagaal ah uusan ka dhicin ayaa waxa ay magaalada caasimadda ah ee Kabul ka dhigaysaa magaalada kaliya ee wayn ee ay weli dowladdu gacanta ku hayso.

Waxa ay daba socotay markii Sabtidii ay ciidammada dowladda kala wareegeen magaalada waqooyiga ku taal ee Mazar-i-Sharif.

Burburka degdega ah ee ku yimid ciidammada dowladda ayaa waxa uu madaxweyne Ashraf Ghani dul dhigay cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan inuu xilka banneeyo.

Wararka soo baxayay maanta oo Axad ah ayaa waxa ay sheegayaan in Taalibaan ay qabsadeen magaalada iyadoo aanay xitaa hal xabbad ka dhicin.

“Wax iskudhacyo ah oo haatan ka soconaya magaalada Jalalabad ma ay jirto sababtoo ah maayirkii magaalada waxa uu isu dhiibay ururka Taalibaan,” waxaa sidaasi wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal Afgaani ah oo magaalada ku sugan.

“In waddo loo banneeyo Taalibaan ayaa ah wadada kaliya ee lagu badbaadin karo nolosha dadka rayidka ah.”