Taariikhda Wasiirka cusub ee Arrimaha dibbadda oo ku gadaaman arrimo xasaasi ah.

Taariikhda Wasiirka cusub ee Arrimaha dibbadda
Taariikhda Wasiirka cusub ee Arrimaha dibbadda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabdisaciid Muuse Cali Koor waxaa uu ku dhashay magaalada Jowhar sanadkii 1971, waxaa uu hadda ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdisaciid ayaa ka hor inta aan loo magacaabin Agaasimaha Madaxtooyada waxa uu ahaa Lataliyihii ugu waqtiga dheeraa ee Amniga Qaranka ee Madaxweynaha December 2017 ilaa Septembar 2021.

Cabdisaciid waxa uu mas’uul ka ahaa kormeerka istiraatiijiga ah iyo maareynta maalinlaha ah ee siyaasadda amniga Soomaaliya oo ay ka kooban tahay hay’adaha Militariga, Booliiska iyo Sirdoonka.

Waxaa xusid mudan in Cabdisaciid uu hormuud ka ahaa horumarinta, ansixinta iyo hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya (Somali Transitional Plan) isagoo ka wakiil ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qorshaha cusub ee kala guurka ee Soomaaliya wuxuu dejinayaa jiho cusub oo lagu gaarsiinayo amniga iyo horumarinta Soomaaliya wuxuuna helay taageerada xooggan ee daneeyayaasha amniga qaranka iyo kuwa caalamiga ah, iyo bogaadinta hoggaanka siyaasadda Cabdisaciid.

Kahor inta uusan ku biirin DFS, Cabdisaciid waxa uu ahaa La-taliyaha dhanka Siyaasadda ee Gobolka ee Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, isaga oo diiradda saari jiray xasillooni darrada siyaasadeed iyo xagjirnimada rabshadaha wadata ee gobolka.

Cabdisaciid doorkii hore ee uu qabtay waxaa ka mid ahaa Wakiilka Soomaaliya ee Nordic International Support Foundation (NIS), iyo La-taliye Sare ee Maareynta Xuduudaha, Hannaanka Xagjirnimada iyo Amniga Badaha ee IGAD.

Cabdisaciid waxa uu sidoo kale door cilmi-baaris iyo falanqayn ah ka soo qabtay IGAD, Machadka Adeegga Dibadda ee Kenya, King College London’s Futures Project, iyo Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee La-dagaalanka Argagaxisada ee Addis Ababa, iyo sidoo kale door la-talin ah oo uu u soo qabtay Dowladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo Iskaashiga Horumarinta Talyaaniga.

Cabdisaciid waxa uu wax ku soo bartay dalalka Holland, UK iyo US, waxaana uu haystaa shahaadooyin badan.

Taariikhda Wasiirka cusub ee Arrimaha dibbadda
Taariikhda Wasiirka cusub ee Arrimaha dibbadda