Tababare katirsan ciidamada Dowladda oo shabaabnimo loo xukumay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah 63 jir ah ku dhashay Baydhaba ayaa loo soo xiray in uu ka tirsanyahy Ururka Al-Shabaab Qeybta Amniyaadka una qaabilsanaa bixinta xogaha Ciidanka Xooga Dalka, kaas oo  laga soo qabtay gudaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

War kasoo baxay Maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Alshabaab, waxaana hay’adaha baarista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Mursal yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.

Habraacca Go’aan ka gaarista iyo dhamaystirka dacwad qaadistiisa ayaa soo socotay ilaa January 22 Keedii Sanadkan.

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saartay Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.