Tahriibeyaal Soomaali ah oo ku dhintay badda Giriigga

Ku dhawaad 22 qof oo Soomaali ah oo u badan dumar ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen xeebta dalka Giriigga, kaddib markii ay qallibantay doon ay saarnaayeen.

Dadka dhintay ayaa u badan gabdho da’dooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa labaatan ilaa soddon iyo afar sano jir.

Meydadka la helay waxaa sidoo kale ku jira wiil dhallinyaro ah oo da’adiisa lagu qiyaasay 15 sano jir iyo nin oday ah.

Doonta qallibantay waxaa la socday muhaajiriin isugu jira Soomaali iyo ajaaniib. Waxay ka soo baxday dalka Turkiga, gaar ahaan gobolka Izir, waxayna ku sii jeedday Giriigga.

Jaaliyadda Soomaalida ee Giriigga ayaa noo xaqiijisay in shilka uu dhacay Khamiistii, isla markaana ay la soo xiriireen ehelada dadkii ku dhintay shilkaas.

Waxa ay intaas ku dareen in meydadka lagu hayo jasiirad ku taalla Giriigga, isla markaana uu maamulka halkaas ka jira amray in la helo eheladooda inta aan la aasin ka hor.

Tirada dadka ka badbaaday shilka ayaa lagu qiyaasay 15 ilaa 6 qof, kuwaas oo lagu hayo xero jasiiradda ku taalla.