Taliban oo rasaas nool ku kala cayriyay haween ku dhiirraday inay dibad baxaan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka Taliban ayaa kala cayriyay tiro haween ah oo ku dibad baxayay Kabul, ku dhowaad sanad kadib markii ay kooxdu la wareegtay talada dalkaas.

Ilaa 40 haween ah ayaa isugu soo baxay caasimadda iyagoo dalbanaya xuquuqdooda, kahor inta aysan Taliban rasaas nool kor u ridin.

Taliban ayaa la wareegtay telefoonnada haweenkan, iyagoo xoog ku joojiyay mid ka mid ah dibad baxyadii ugu horreeyay ee haweenka.

Tan iyo intii Taliban ay xilka la wareegtay, xuquuqda haweenka ayaa si aad ah loo xannibay.

Waxay kooxdu soo rogtay xayiraado badan oo xorriyadda haweenka ah, sida shaqooyinka dowladda, waxbarashada iskuulka iyo inay u safraan meel 45 meyl (70km) u jirta hoygooda, iyadoo uusan la socon muxrim.