Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo sheegay inay u diyaargaroobeen sugidda amaanka doorashooyinka

Taliyaha Ciidanka boliiska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay qorshaha diyaar garoowga sugida amniga doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mar horey u diyaar garoobeen sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka,ciidanka boliiskana ay awood u leeyihiin in ay sugaan amniga.

Taliska boliiska soomaaliya ayaa sidokale tilmaamay in qaar kamd ah Maamul Goboleedyada lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka,ay tageen islamarkana dowladda heysato Ciidan ku filan oo amniga suga,iyaga oo kaashanayo  Ciidamo katirsan  boliiska  Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo sid u sheegay la diyaariyay.