Taliska Booliska oo ka hadlay musharaxiin loo diiday warqada Dambi la’aanta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrin maalmihii la soo dhaafay taagneed taas oo ku aadaneed in warqada dambi la,aan loo diiday qaar ka mid ah musharixiinta qaar ee u taagan kuraasta baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Xasan Maxamed Xijaar taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa tilmaamay in aysan jirin warqad loo diiday musharixiinta qaar ee u taagan kuraasta baarlamaanka, balse lagu bixin doono warqada dambi la,aanta xiligeeda iyo nidaamka ay u dajiyeen golaha wadatashiga qaranka.

Taliye Xijaar oo sii hadlayay ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad badan oo soo dalbaday warqada muujineysa dambi la,aanta, balse ay soo jeedinayaan in labaaro dhammaan musharixiinta iyo ergada wax dooraneesa.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadayo, iyadoo saacadihii aan kasoo gudubnay dhanka baraha bulshada lagu hadal hayay musharixiin qaar oo u taagan kuraasta baarlamaanka loo diiday warqada dambi la,aanta ee sii ay dhiida laga bixiyo.