Taliska Booliska oo shaaciyay sababta Guddoomiye Muudeey looga celiyey Garoonka Diyaaradaha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Booliska Soomaaliya ayaa caddeeyay sababtii Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaanka waqtigu ka dhammaaday Cabdi Wali Sheikh Ibraahim Muuddey looga celiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xili uu doonayay in uu u duulo Magaaladas baraawe ee maamulka Koofur Galbeed.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa shegay in Cabdi Wali Sheikh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaankii 10aad uu Ciidamo farabadan la tagay garoonka, sidaa darteedna aysan macquul ahayn in hub iyo Ciidan intaa la eg ay ka baxaan garoonka xili doorasho xasaasi ah ay socoto.

Waxaa uu intaa ku daray in wax ka badan 5 Askari aan la oggolayn in ay raacaan musharxiinta kuraasta u doonanaya dowlad Goboleedyada, waxaana uu intaa ku daray in Ciidanka boolisku ay ka war heleen Ciidamada uu wato Muudey sidaa darteedna ay joojiyeen.

”C/weli Muudeey waxa uu watay ciidan tira badan oo sida hub culus,musharaxiinta laga ma ogolaan doono saanad ciidan iyo hub culus in ay la tagaan goobaha doorashada waxaa loo ogol yahay 3-ilaa 4-Askari” ayuu yiri Afhayeenka  u hadlay Booliska.

Warkaan kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa kusoo beegmay xilli shalay Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey loo diiday in uu tago degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka.