Taliska Ciidanka Asluubta Oo Ka Hadlay Qaraxii Saaka Ka Dhacay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed G/Sare Abdiqani Maxamed Qalaf oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay Qarax,w axaana uu sheegay in lala doonayay Qaraxa in lagu bartilmaameedsado Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad C/raxmaan Aadan.

Waxaa uu sheegay in Qaraxa Taliyuhu uu ka bad-baaday, balse waxaa uu intaas ku daray in mid ka mid ah Garwaarida Galbinaysay taliyaah uu haleelay Qaraxu ayna ku dhinteen Labo Askari, halka ay ku dhaawacmeen Afar kale, kuwaasi oo hadda lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed G/Sare Abdiqani Maxamed Qalaf ayaa qaraxaasi ku eedeeyay dagaalamayaasha Al-shabaab,w axaana uu sheegay in ay doonayeen in ay ku dilaan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.