Taliska Ciidanka Xoogga Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab

KISMAAYO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed  Jeneraal Maxamed Tahaliil Biixi oo ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa la kulmay saraakiisha Ciidamada dowladda, isaga oo kala hadlay arrimaha dardar gelinta sugida amniga.

Taliye janeraal Biixi ayaa sheegay in ujeedka ugu wyen ee uu u tegay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ay tahay u kuurgelida Ciidamada, amaanka Gobolka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa uu faray saraakiisha Ciidamada dowladda eek u sugan Gobolka Gedo inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si looga dulqaado culeyska ay ku hayaan 8-da degmo ee Gobolka Gedo.

Shacabka ku nool degaannada iyo degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa uu ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo hwlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hadalka Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed  Jeneraal Maxamed Tahaliil Biixi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, xilli mararka qaar Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada dowladda ee qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Gedo.