Taliska Ciidanka Xoogga Oo Shaaciyay Khasaaraha Qaraxii Xerada Nacnaca

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay Qarax Is-miidaamin ah oo barqanimadii Maanta ka dhacay afaafka hore Xerada tababarka Ciidanka dowladda ee General Dhaga-badan oo ku taalla degmada Wadajir una dhow Xerada Turkisom.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, uuna isku dhex qaraxiyey dhalinyaro farabadan oo saf dheer ugu jiray Baaritaan, kuwaasi oo doonayay inay iska diiwaan-geliyaan Xerada Ciidamada.

Taliye Odawaa oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhalinyaro badan oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Kumaandooska Gorgor.

Wuxuu xaqiijiyay in 10 kamid ah kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka ay ku geeriyoodeen Qaraxii Is-miidaaminta ahaa, halka 20 kalena ay dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo lagu dabiibayo.

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa tacsi u diray Ehelada ay ka baxeen dhalinyaradii Maanta dooneysay inay iska diiwaan-geliyaan Xerada tababarka Ciidanka dowladda ee General Dhaga-badan oo qarax lala beegsaday.

Xeradan ayaa horey waxaa uga dhacay qaraxan oo kale uu fuliyay ruux isku soo dhax qariyay askar tababar lagu siinayay xeradaasi, waxaana ku dhintay saraakiil, iyadoona Mas’uuliyada qaraxaas ay sheegatay Al-shabaab.