Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay howlgal ku dileen Saraakiil katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidamada gaarka u tababaran ee Gorgor kana dhacay deegaanno hoostaga Bariiri Gobolka Shabeelaha hoose lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab.

25 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab ayuu talisku sheegay in lagu dilay howlgalkaas inta uu socday, qorshaha waxa uu ahaa ilaalinta nabadgalyada wadada isku xirta Tawakal & Bariiri oo dhowr jeer weeraro Jidgal ah Al-Shabaab ka fuliyeen.

Taliyaha Ururka 4aad Guutada 17aad ee Gorgor Dhamme Nageeye oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgalkaan ay uga hortageen xubno katirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay deegaannada la weeraray.

Dhamme Nageeye waxa uu sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose ay sii soconayaan illaa inta ay ka xaqiijinayaan nabadgalyada waddooyinka isku xira Degmooyinka Ciidanka Xoogga Dalka ka joogaan Gobolkaas.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay Al-shabaab gaarsiiyeen khasaare xoogaan islamarkaasna ay ka dileen 25-Dagaalame iyo dhaawac intaasi kabadan.

Inkastoo Al-shabaab wali aysan ka hadlin sheegashada Ciidamadda ay sheegteen in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabab hada maalmihii lasoo dhafay waxaa socday Howlgallo ay sameeynayaan Ciidamadda Dowladda sidoo kale Al-shabaab shabaab ayaa iyana weeraray dhowr saldhig oo ciidamada dowladdu leeyihiin.