Taliska Xoogga Dalka Oo Ka Hadlay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lagu Weeraray Xero Ay Leeyihiin Milateriga Soomaaliya.

JOWHAR-AYAAMAHA-Qaraxa oo ahaa ismiidamin ayaa waxaa uu ka dhacay Degaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana wararka aan helayno ay sheegayaan in Qaraxaasi si gaar ah loola beegsaday afafka hore ee xero ay Ciidanka Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin degaankaasi.

Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay goobo aad uga fog meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 4 askari ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ka mid ahaa Ciidanka Dowladda, waxaana wararku ay intaa ku darayaan dad ku dhaawacmay Qaraxaasi uu kamid yahay Korneel Saneey Cabdulle oo ka tirsan saraakiisha xoogga dalka, Kaasi oo sida la sheegay uu soo gaaray dhaawac fudud.

Dhanka kale taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Shabeellaha Dhexe.

“Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odaywaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta  ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Qaraxa kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hortageen qorshihiii  ay soo maleegeen Al-shabaab.