Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf raage oo amar siiyay ciidamada dowladda.

MUQDISHU-AYAAMAHA-Waxaa goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Genral Odawaa Yuusuf Raage kaa oo ka hadlay marxaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Taliye Odawaa ayaa shirkiisa Jaraa’idka uu qabtay uga digay qeybaha kala duwan ee ciidanka in aanay ku milmin Arimaha Siyaasadda oo ay adkeeyeen Difaacii iyo Dhaartii ay u mareen Difaaca Qaranimada Soomaaliya.

Odawaa ayaa xusay in looga baahan yahay in ay xoojiyaan Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda oo duulaan ku ah shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha CXDS iyo Dhammaan Hoggaanada CXDS , ka hor inta uusan qaban shirka jaraa’id isagoo la wadaagay fariintiisa siyaasadeed ee xiligan.

Ciidamada dowladda oo Laba u kala jabay kuwaa oo kala taageersanaa Farmaajo iyo mucaaradka ayaa bishii April ee sanadkii hore Muqdisho ku dagaalamay iyadoo isla maalmo ka hor ciidamo dowladda katirsan balse mucaardka la jira ay la wareegeen meelo u dhaw Madaxtooyada.