Taliyaha Ciidanka lugta oo gaaray Jiida hore ee Dagaal ka socda Gobolka Hiiraan

BELEDWENE-AYAAMAHA-Taliyaha lugta ciidanka xooga dalka somaliyeed janaral maxamed tahliil biixi iyo taliyaha qeeybta 27 aad ee ciidanka xooga dalka ee deeganada hirshabelle iyo saraakiil kale oo katirsan ciidanka xooga ayaa maanta gaaray jiidaha hore ee ay kusugannyihiin ciidamada qalabka side ee soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan aya saraakiisha uga mahad-celiyey xog-ogaalnimada iyo qorshaha joogtada ah ee ay lagarab taagnaayeen inta Howlgalka uu socday Taas oo guulo wanaagsan laga gaaray.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka hiiraan ayaa lagu sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay Al-Shabaab lagala wareeygay degaano dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Maxaas iyo matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka lugta ee Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku amaanay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan Dadaalka iyo Howlkarnimada uu sameeyey asigoo  ku bogaadiyey guulaha wax tarka leh ee la gaaray.

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladaha deeganada halka uu colka joogo iyo baahiyaha ka jiro deeganada laga saaray Al-shabaab.